Waaxda KWS oo doonaysa in la xalliyo khilaafaadka duurjoogta iyo aadanaha

Kenya wildlife service Assistant warden 1 radio communication officer Veronica Mulandi (left) briefs Nicholas Hulot (front right) France Minister for the Ecological and Inclusive Transition Kenya wildlife Service Ag.Director General Julius Kimani (centre) and Senior sergeant operations Centre Sebastian Njagi (seated) during the digital radio commissioning on 4th December 2017 at Kenya wildlife Service headquarter. Pics Liz Muthoni/KWS

Waxaa magaalatani Nairobi maalinkii labaad ka socdo shir ku saabsan sida xal loogu heli karo isku dhacyada soo kala dhex galo duurjoogta iyo bani’aadamka.
Dhibaatooyinkan oo ay saameyn ka dhalato ayaa inta badan la soo tabiyaa xilliyada abaarta marka uu gaabad ku yimaado biyaha.
Agaasimaha guud ee waaxda duurjoogta dalka ee KWS ,John Waweru ayaa sheegay in durwaa badan la laayay kaddib markii uu dhibaateeyay xoolaha dadweynaha.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay in xal waara laga gaaro arrinkan si xoola dhaqatada iyo duurjoogta labaduba aynan wax dhibaato ama khasaaro ah u soo gaarin.
Sannadkii 2016-kii ayay ahayd markii darasaad la sameeyay lagu sheegay in sannad kasta gudaha wadanka ay ku dhintaan ilaa 100 libaaxyo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here