Waaxda saadaasha hawada ee dalka oo digniin soo saartay

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa ka digtay dabeylo xooggan oo burbur dhanka dhismaha ah ka gaysan karo waqooyiga dalka , dhanka bari iyo xeebta.
Waxay waaxdu sheegaysaa in arrintan oo dhici karto laga billaabo maanta oo khamiis ah ay sababi karto in hirar sare laga dareemo xeebta dalka.
Kalluumeysatada badda Indian Ocean gaar ahaan kuwa adeegsanaya doomaha yaryar ayaa loogu baaqay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan laga billaabo galinka dambe ee berri.
Waxaa digniintan mid la mid ah loo diray dadka deggan guriyaha aan dhismo ahaan sugnayn.
David Koros oo ka mid ah mas’uuliyiinta waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegay inay xaaladda cimillada si dhow ula soconayaan oo waxyaabaha soo kordho ay shacabka la wadaagi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here