Waaxda saadaasha hawada oo digniin soo saartay

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in qaybo badan oo wadanka ka tirsan ay suurtagal tahay inay ka da’aan roobab culus islamarkaana daadad wata.
Waxaa ay sheegtay in roobabka la rajeenaya inay da’aan inta u dhaxeysa 8-da bishaan Nofeembar ilaa 10-ka isla bisha.
Sido kale waxaa laga cabsi qabaa in saameyn ay ka dhalato roobabka.
Waaxda ayaa sheegtay in roobaabka dalka ka da’aya ay sii socon doonaan iyadoo oo ay surtagal tahay roobab heerkoodu yahay in ka badan 30 miliimitir inay ka da’aan qayb ka mid ah dalka gaar ahaan Koonfur galbeed dalka, Nairobi, Bariga iyo gobolka Xeebta.
Ismaamulada laga yaaba inuu roobaab da’aya saameyn ku yeesho ayaa kala ah Nyeri, Kiambu, Nyandarua, Laikipia, Murang’a, Embu, Meru, Kirinyaga, Tharaka Nithi, Taita Taveta, Busia, Kisii, Nyamira, Kericho, Bomet, Nakuru, Baringo, Narok, Migori, Nandi, Trans Nzoia, West Pokot, Uasin Gishu, Vihiga, Bungoma, Homa Bay, Busia, Kisumu, Siaya, Kakamega, Kajiado, Nakuru, Mombasa, Kwale, Kilifi, parts of Tana River iyo Lamu.
Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa shacabka ku nool qeybaha kala duwan gaar ahaan kuwa deggan hareeraha webiyada iyo biyo mareennada digniin u dirtay.
Waxaa ay ka codsatay inay ka feejignaadaan.
Waaxda saadasha hawada ee dalka ayaa sidoo kale ka dhigtay in baabuur lagu dhex kaxeeyo ama dadku ay ku dhex socdaan biyaha iyo in aysan ku gabban geedaha hoostooda
Dadka deggan meelaha ay inta badan saameeyaan daadadka ama dhul go’a gaar ahaan dhanka buuraleyda Aberdares loogu baaqay inay u wareegaan goobaha uu joogoodu sarreeya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here