Waaxda saadaasha hawada oo digniin soo saartay

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa shacabka ku nool qeybaha kala duwan gaar ahaan kuwa deggan hareeraha webiyada iyo biyo mareennada digniin u dirtay.
Waxay soo jeedisay in feejignaan dheeraad ah la muujiyo oo dadka deggan meelaha ay inta badan daadadka saameeyaan ay u wareegaan goobaha uu joogoodu sarreeya.
Qoraal ay waaxdan soo saartay ayay ku sheegtay in 24 saacadood gudahood la rajeynaya inay da’aan roobab heerkoodu dhexdhexaad yahay.
Roobab heer ahaan dhan 70 miliimitar ayaa la filayaa inay ka da’aan qeybo ka mid ah ismaamullada Trans Nzoia, Bungoma, galbeedka Pokot, Busia, Kakamega, Vihiga, Siaya, Kisumu, Kericho, Bomet, Nyamira, Kisii, Migori, Uasin Gishu, Nandi iyo Kilifi .
Qeybo ka mid ah Narok, Kajiado, Nakuru, Nyandarua, Embu, Murang’a, Kirinyaga, Tharaka, Makueni, Nairobi, Machakos, Kitui, Laikipia, Samburu, Keiyo-Marakwet, galbeedka Pokot , Turkana, Kwale, Kilifi, Mombasa iyo Lamu ayaa la saadaalinaya inay ka da’aan roobab isku celcelis ahaan u dhaxeeya 20 ilaa 70 miilimitar.
Sido kale waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in roobab heerkoodu yahay ilaa 20 miliimitar ay ka da’i karaan deegaano ka tirsan Mandera, Turkana, Garissa iyo Taita Taveta .
Saadaashan ayaa sii jiri doonto ilaa 4-ta bisha shanaad ee sannadkan iyadoo qeybo ka mid ah Marsabit, Isiolo ,Turkana, Wajeer, Tana River, Taita Taveta iyo Kitui anaa la soo tabin roobab la filayo inay ka da’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here