Waaxda saadaasha hawada oo sheegtay in la filayo inay roobab xooggan da’aan

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in saddexda maalmood ee nagu soo aaddan la rajeynayo inay qeybo ka mid ah wadanka ka da’aan roobab lixaad leh.
Sido kale waxaa laga cabsi qabaa inay daadad ka dhashaan roobabka iyadoo waaxdan ay saadalisay in saameynta ugu weyn ay soo gaari karto gobolka xeebta.
Roobab heerkoodu dhexdexaad yahay ayaa la filayaa inay ka da’aan ismaamulada kala ah Lamu, Kilifi, Mombasa, Kwale iyo koonfurta dowlad deegaanka Tana River .
Dadka ku nool deegaanada ismaamulada aan soo sheegnay ayaa lagu booriyay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan .
Sido kale waaxda saadasha hawada ee dalka ayaa ka digtay in baabuur lagu dhex kaxeeyo ama dadku ay ku dhex socdaan biyaha kaddib marka ay roobabka da’aan.
Waaxdan ayaa sido kale saadaalisay inay roobab ka da’I gobolada galbeedka, bartamaha , Rift Valley iyo Waqooyi bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here