Waaxda saadaasha hawada oo sheegtay in la rajeynayo roobab culus

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa mar kale shacabka Kenyaanka ku wagalisay in toddobaadka soo socdo la rajeynayo inay roobab culus ka da’aan dalka.
Sido kale waxaa laga cabsi qabaa in saameyn ay ka dhalato roobabka cabbir ahaan lagu qiyaasayo 30 millimitar.
Goobaha la saadaalinaya inay saameyn ku timaado waxaa kamid ah Gobolka Waqooyi Bari, Galbeedka dalka iyo sidoo kale magaalada Nairobi.
Waxaa dhanka kale la filayaa inay sii socdaan roobabka xooggan ee dalka ka da’aya laga billaabo maanta oo Axad ah iyo 25-ka bishan.
Waaxda ayaa sheegtay in heerka roobabka la rajeynayo in maalinta Arbacada uu hoos u dhaco qeybo kamid ah dalka.
Waaxda saadasha hawada ee dalka ayaa ka dhigtay in baabuur lagu dhex kaxeeyo ama dadku ay ku dhex socdaan biyaha iyo in aysan ku gabban geedaha hoostooda.
Maamulka qaran ee waddooyinka waweyn ee (KeNHA) ayaa darawallada ku boorrisay inay taxaddar muujiyaan inta ay baabuurta wadaan xilli-roobaadka.
Arrintaan ayaa imaanaysa xili Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu horay u amray mas’uuliyiinta in ay raraan dadka deggan meelaha ay fatahaadaha ka dhaceen iyo goobaha dhul go’a saameeyay ka dib musiibadii shalay ka dhacday Galbeedka Pokot halkaas oo ilaa iyo hadda ugu yaraan 43 qof ay ku dhinteen halka in badan oo kalena weli la la’yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here