DHAGEYSO:Waaxda saadaasha hawada oo sheegtay in la rajeynayo roobab culus

Waaxda saadaasha hawada oo sheegtay in la rajeynayo roobab culus
Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa shacabka kenyaanka ah ku wargelisay in laga billaabo maanta la rajeynayo inay roobab culus ka da’aan shan ismaamul oo ka tirsan dalka Agaasimaha guud ee waaxdan,Stella Aura ayaa shaaca ka qaadday in goobaha ay roobabka culus ka da’I doonaan ay ka mid yihiin Nairobi, Gobolka waqooyi-bari, waqooyiga-galbeed ee dalka , bartamaha iyo gobolka xeebta.
Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in ismaamullada Kwale, Kilifi, Mombasa, Lamu, Tana-River, Wajeer, Marsabit, Taita Taveta, Nairobi, Nyeri, Kiambu, Nyandarua, Murang’a, Embu, Meru, Kirinyanga, Tharaka Nithi, Isiolo, Samburu, Turkana, Machakos , Kitui, Makueni, Garissa, Busia, Kisii, Nyamira, Kericho, Bomet, Nakuru, Narok, Migori, Trans Nzoia, Nandi, Baringo, Uasin Gishu, Vihiga, Bungoma, Homa Bay, Kisumu, Siaya, Kakamega iyo Nakuru ay saameyn ka soo gaari karto roobabka.
Roobabka ka da’ay qeybo badan oo dalka ayaa heer ahaan gaaray in ka badan 30 miliimitar 24 saacadood gudahood waxaana la filaaya inay sii socdaan.
Mrs Stella Aura ayaa sheegtay in la rajaynayaya in roobabka ka jiro galbeedka dalka, bartamaha iyo Nairobi ay si tartiib tartiib ah kordhaan oo ay gaaraan 40 miliimitir inta u dhexeysa Khamiista iyo Jimcaha ee toddobaadkan.
Arrintaan ayaa ku soo aadeyso iyadoo ila iyo haatan la xaqiijiyay in ugu yaraan 12 qof ay ku dhinteen halka in ka badan 4000 oo qoysas ahna ay ku barakaceen dhul go’o laga soo tabiyay xadka ay wadagaan ismaamullada dariska ah ee Elgeyo Marakwet iyo galbeedka Pokot.
Dhanka kale isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Mr. George Natembeya ayaa sheegay in ka badan 20 qof wali la la’yahay.
Sido kale dhul go’o ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay ismaamullada Kericho iyo Nandi ayaa waxaa ku dhintay afar carruur ah.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Kericho Mr. Moses Mbaruku ayaa faahfaahin ka bixiyay saameynta ay roobabka yeesheen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here