Waaxda saadaasha hawada oo sheegtay in la rajeynayo roobab culus

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynayo in roobabka ka da’aya qaybo ka mid ah wadanka ay sii socdaan inta lagu guda jiro bisha 11- aad ee Noofeembar ee sannadkan maadaama xilli roobaadka gaagaaban uu gaaro heerkiisii ugu sarreeyay.
Bayaan ay soo saartay agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee dalka Stella Aura ayey ku sheegtay in jawiga cimiladu uu ka digayo in meelaha hadda ee roobabka culus ay ka da’ayaan dalka ay ka jirta khatar fataahad iyo dhul go’o.
Waxaa ay ka digtay in wabiyada ay biyo badan keeni karaan maadaama roobab badan ay ka da’i doonaan qeybo ka mid ah dalka.
Shacabka deggan hareeraha wabiyada, biyo xireennada, harada Victoria iyo waliba meelaha ku xeeran harooyinka Rift Valley ayay u badan tahay inay la kulmaan daadad.
Agaasimaha ayaa dhanka kale ka digtay in duufaano culus ay u badan tahay in lagala kulmo meelaha laga yaaba in roobab joogoodu sarreya uu ka da’a
Shacabka ayay ugu baaqday inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan si aysan saameyn uga soo gaarin roobabka culus.
Agaasimaha waaxda saadasha hawada ayaa sidoo kale sheegtay in heerarka biyaha ee biyo xireenada dalka oo dhan ay sii ahaan doonaan kuwa sare bisha Noofeembar.
Waxayna shacabka ku boorisay inay maalgashadaan tiknolojiyadda biyo soo saarka si looga faa’iideysto roobka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here