Waaxda saadaasha hawada oo sheegtay in la rajeynayo roobab culus

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa shacabka ku wargelisay inay isku diyaariyaan roobab xooggan oo la rajeynayo inay ka da’aan qeybo ka mid ah dalka.
Waxaa saadaasha qeyb ka ah in roobabkan ay wehelin doonaan dabeylo xooggan taasi oo laga cabsi qabo in afarta maalmood ee nagu soo aaddan ay ka dhashaan fatahaado iyo dhul go’o.
Sido kale waxay shaaca ka qaadday in roobabka cabbir ahaan lagu qiyaasayo in ka badan 50 millimitar.
Cimilada meelaha jooggoodu sarreeya ee gobolada Rift Valley, waqooyi bari, bartamaha dalka iyo xeebta ayaa la filayaa inay qaboow saaid ah noqoto.
Ismaamulada kala ah Mandera, Wajeer iyo Marsabit ayay waaxdu saadaalisay inay ka da’I doonaan roobab ah 70 milimitar halka Tana River, Kwale, Embu, Murang’a, Kajiado iyo Siaya la saadaalinayo inay ka da’aan kuwo dhexdexaad ah.
Waaxdan ayaa sido kale sheegtay in laga cabsi qabo in jac ama biriq ay saameyso waqooyi bari.
Ismaamulada kale ee dhul go’a iyo roobabka lixaadka leh looga cabsi qabo ayaa kala ah Kakamega, Vihiga, Nandi, Elgeyo Marakwet, Baringo, galbeedka Pokot, Trans Nzoia, Bungoma, Bomet, Kericho iyo Uasin Gishu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here