Waaxda saadaasha hawada oo sheegtay in roobab badan la rajeynayo

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynayo in roobabka ka da’aya qeybo ka mid ah wadanka ay sii socdaan ilaa bisha 12- aad ee Disembar ee sannadkan.
Agaasimaha dhanka adeegyada ee waaxdan ,Stella Aura ayaa shaaca ka qaadday in roobabka la saadaalinaya ay heer ahaan gaarayaan ka badan yihiin 50 miliimitar.
Meelaha la sheegay inay ka di’i doonaan waxaa ka mid ah waqooyiga dalka , buuraleyda galbeedka, xeebta iyo bariga Rift Valley.
Waxay dadka deggan meelaha inta badan dhul go’a uu saameeyo sida hareeraha buuraleyda Aberdare,Mount Kenya iyo dhinaca galbeed ku boorisay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan.
Ms Aura ayaa roobabka culus ee da’aya u aaneysay kuleel aan caadi ahayn oo soo foodsaaray badda Indian Ocean , xaaladdan oo loo yaqaano Indian Ocean Dipole taaso 10-kii sanaba dhacdo .
Waxaa ka dhasha roobab badan oo daadad iyo burbur sababo gudaha bariga Afrika.
Galbeedka dalka waxaa ku dhintay laba gabdhood oo walaalo ah oo ay biyuhu qaadeen xilli ay ku sugnayeen ismaamulka Kakamega .
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo ay cabasho ka soo yeeraysa qaar ka mid ah qoysaska deggan xaafadaha u dhow webiga Tana River ee ismaamulka Garissa oo ay biyo guriyahooda galeen kaddib markii webiga uu ku soo fatahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here