Waaxda saadaasha hawada oo sheegtay in roobab dheeraad ah la rajeynaya

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in qeybo badan oo wadanka ka tirsan ay suurtagal tahay inay ka da’aan roobab culus.
Qoraal ay soo saartay galinkii dambe ee shalay ayay waaxda ku xustay in 24 saac gudahood ay da’i karaan roobab heerkoodu ka sarreeya 30 miliimitir.
Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee dalka ,Stella Aura ayaa sido kale sheegtay in la rajeynayo inay sii socdaan roobabka ka da’aya qeybo ka mid ah wadanka.
Meelaha la filayo inay roobab dhexdhexaad ah ka da’aan ilaa maalinka Arbacada ee toddobaadkan waxaa ka mid ah Nairobi, galbeedka dalka iyo bartamaha halka waqooyi galbeed iyo xeebta la saadaalinaya inay ka da’aan roobab xoggan.
Sido kale Mrs. Stella ayaa ka digtay in biyaha ku jiro webiyada dalka badankoodu ay sii badan karaan tani oo laga cabsi qabo inay daadad ka dhashaan.
Shacabka ayay ugu baaqday inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan .
Waxaa digniin gaar ah loo jeediyay dadka deggan meelaha u nugul dhul go’a sida buuraleyda Aberdare ,Mt. Kenya iyo galbeedka dalka.
Sido kale waxaa baaq gaar ah loo diray shacabka deggan hareeraha wabiyada iyo biyo xireennada ismaamullada Nakuru, Narok, Kericho, Nyamira, Kisii, Bomet, Trans Nzoia, Nandi, Uasin Gishu, Baringo, Elgeyo Marakwet, Vihiga and Kakamega, Bungoma, Busia, Migori, Homa Bay, Kisumu, Siaya, West Pokot, Samburu, Turkana, Nairobi, Nyeri, Kiambu, Nyandarua, Laikipia, Murang’a, Taita Taveta, Tana-River, Kwale, Kilifi, Mombasa iyo Lamu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here