Waaxda socdaalka ee dalka oo sheegtay in Miguna Miguna uu si fudud ku soo galayo wadanka

Waaxda socdaalka ee dalka ayaa shaaca ka qaadday in iyadoo u hoggaansamayso amar maxkamadeed ay fududeyn doonto inuu 9-ka fiidnimo ee caawa wadanka dib ugu soo laabto qareenka horay loo tarxiilay Miguna Miguna.
Shalay ayay ahayd markii maxkamadda sare ee dalka ay dowladda ku amartay in saraakiisheeda ay xaqiijiyaan sidii garyaqaanka uu si fudud ugu soo geli lahaa Kenya.
Miguna uu ka soo safraya dalka Canada ayaa lagu wadaa in diyaaradda sidda ay abaare 9-ka fiidnimo ee caawa ay ka soo caga dhigato gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaaladatani Nairobi.
Amarka maxkamadda waxaa ku dhawaaqay garsoore Weldon Korir.
Waxaa uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi , abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai iyo taliyaha saldhigga booliska ee garoonka JKIA ka dalbaday inaynan faragelin soo noqoshada Miguna Miguna.
Dhawaan ayay ahayd markii Miguna Miguna uu shaaciyay inuu mar kale Nairobi ku soo wajahan yahay.
Miguna ayaa sheegay in xuriyadda ay ku saleysan tahay wax qofka ay diiradda u saaran tahay , niyad , dhaqan wanaag iyo sido kale geesinimo.
Waxay wararku intaasi ku darayaan inuu garyaqaanada u doodaya ku wargeliyay imaanshihiisa oo ayna gagida diyaaradaha ku sugayaan.
Miguna Miguna ayaa dhanka kale horay ugu baaqay in la tixgeliyo xuquuqdiisa baniaadanimo ee dastuuriga ah.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa 30-kii bishii hore ee Diseembar xilli uu ka qeyb galayay aas loo sameeyay Charles Rubia sheegay in maamulka uu hoggaamiyo uu si buuxda u ilaalinayo xuriyadda qof kasta uu u leeyahay inuu muujiyo dareenkiisa.
Mr. Kenyatta oo u muuqday inuu si dadban uga hadlaya dib u soo laabashada Miguna ayaa xusay in qof kasta oo u ololeynaya inuu xuriyadda iyo dimuqaraadiyadda jirta ka faaiidaysto looga baahan yahay inuu u adeegsado ka hadalka xal u helidda dhibaatooyinka dalka ka jiro.
7-dii bishii labaad ee sannadkii 2018-kii ayay ahayd markii qareenkan oo isku yeera taliyaha dhaqdhaqaaqa NRM isqabqabsi ka dhacay garoonka JKIA ee magaaladatani Nairobi kaddib loo tarxiilay dalka Canada oo uu jinsiyadisa haysto.
Waaxda socdaalka ee dalka ayaa sheegtay in Miguna Miguna uu sannado ka hor ka tanaasulay jinsiyaddiisa Kenya balse taasi ayuu beeniyay.
Waxaa lagu xusuustaa inuu kaalin weyn ka qaatay tallaabadii madaxa mucaaradka ee dalka Raila Odinga uu isugu dhaariyay madaxweynaha shacabka.
14-kii bishii Diseembar ee sannadkii 2018-kii ayay maxkamadda sare ee dalka go’aamisay in ninkan si sharci darro ah wadanka looga musaafuriyay.
Maxkamadda ayaa amar ku bixisay in Miguna Miguna la siiyo 7 milyan oo shilin oo magdhow lacageed ah maadaama xuquuqdiisa dastuuriga ah lagu xadgudbay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here