Waaxda socdaalka ee dalka oo soo saartay amar ku aaddan qaadashada baasaboorka

Waaxda socdaalka ee dalka ayaa sheegtay in Kenyaanka doonaya inay codsadaan qaadashada baasaboorka cusub ee dijitaalka looga baahan yahay inay ugu horreyn dalabaad sameyaan si qorshaha loogu daro.
Waaxdan ayaa shaaca ka qaadday in tani ay fududeyn doonto geedisocodka la xariira bixinta dokumeentigan muhiimka ah.
Qofka adeeggan codsanaya ayaa laga doonaya inuu isticmaalo barta online-ka ee e-Citizen halkaasi oo uu ku qorayo macluumaad ay ka mid yihiin taariikhda , xilliga iyo goobta u fudud ee lagu turxaan bixin karo.
Dadka horay u codsaday in baasaboroka cusub la siiyo aya sido kale lagu wargeliyay inay u hoggaansamaan amarkan cusub .
Hasa ahaate waxaa loo cudur daaray dadka xanuunsan ee doonaya inay si degdeg ah dalka dibadiisa ugu raadsadaan daryeel caafimaad, ardayda helay deeqaha waxbarasho , ganacsatada iyo shaqaalaha dowladda ee u baxaya safaradda degdega ah in kastoo looga fadhiyo inay soo bandhigaan caddeeymo howlahan u fududeyn karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here