Waaxda socdaalka ee dalka oo yareeneysa howlaheeda bixinta baasaboorada

Waaxda socdaalka ee dalka ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitarka ku sheegtay inay yaranayso howlaheeda bixinta adeegyada baasaboorada.
Tan ayaa loo sababaynaya sare u kaca ku yimid cudurka CoronaVirus ee wadanka.
Dhamaan dadka cusub ee doonaya inay qaataan baasaboorada waxaa ay codsiyadooda gudbin karaan 9-ka bishaan Nofeeembar oo ku beegan maalinta isniinta.
Waaxda socdaalka ee Kenya ayaa saxday war la faafiyay oo ahaa in la joojiyay bixinta adeegyada baasaboorka.
Si kastaba ahaate shalay ayay ahayd markii ay wasaaradda caafimaadka dalka ee diiwangalisay in dhimashada Covid 19 ee Kenya ay gaartay 1,093 halka uu sido kale soo ritay xanuunka 60,704 tan iyo bishii Maarso ee sanadkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here