Wabiga shabeelle o deegano hor leh fatahaad ka sameeyay.

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada Hoose ayaa sheegay in Wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyey tuulooyin hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose taasoo saameyn ku yeelatay Beeraleyda ku nool tuulooyinkaas.
Mas’uuliyiin uu horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay kamid ahaayeen Maamulka degmada Afgooye ayaa waxaay geeyeen jawaano si loo xiro meelaha uu jabsaday webiga taasoo lagu guuleystay in la yareeyo biyihii magaalada ku qulqulayay.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay inay xireen ilaa Afar meel oo uu wabigu qarka ka jabasaday,isagoo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.
Wabiga Shabeelle ee mara labada Gobo lee Shabeellooyinka iyo Hiiraan ayaa waxaa uu fatahaad ka sameeyeen degmooyin iyo deegaano badan oo goboladaas ka mid ah, dadkii ugu badnaa ayaana waxay ka barakaceen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo saamaynta ugu badan gaadhay.
Gobolada Jubooyinka ayaa ka mid ah meelaha maalmihii ugu danbeeyay ay fatahaaduhu Saameeyeen wuxuuna wabiga Juba ku fatahay magaalooyin badan oo Kismaanyo ka mid tahay.
Masuuliyiinta Maamulka Jubaland ayaa sheegay inay shacabku la dhibaatoonayaan saamaynta Fatahaada iyo daadadka xoogga eek a dhashay roobab Mahiigaan ah oo maalmihii la soo dhaafay halkaas ka da’ayay sidoo kalena ay shacab badan barakac sameeyeen maadaama biyuhu guryahooda ugu galeen.
Gudoomiyaha gobolka Jubada Hoose C/rashiid Gooni ayaa sheegay inay u baahan yihiin Gurmada lal gaaro meelaha uu wabiga juba Fatahaadaha ka sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here