Wabiga shabeelle oo deegaano Hor leh ku fatahay

Wabiga shabeelle ayaa lagu soo waramayaa inuu ku fatahay deegaano dhowr ah oo ku yaala gobolka shabeelada Hoose taasoo ay ka dhalatay Saamayn Balaadhan.
Maamulka Deegaanada Sabiid,Caanoole,Moordiinle iyo Raqayle oo ka wada Tirsan gobolka Shabeellaha hoose ayaa ka hadlay fatahaad wabiga Shabeelle uu ka sameeyay deegaanadaasi isagoo timaamay in saameyn xoogan ay ku yeelatay nolosha dadka deegaanka isla markaana ay fatahaadu baabi,isay dalagyadii sanadkan ka soo go,ayay in badan oo ka mid ah beeraha deegaankaas ku yaala
Dadka ku nool deegaanadaasi ayaa ka barakacaya xaafadahii ay deganaayeen, qaar kale oo ka mid ah shacabka waxey ku godoonsanyihiin meelo ka mid ah deegaanka waxaana jira xaalado bani aadannimo oo ka dhashay fatahaadaha uu wabiga shabeelle ka sameynayo qeybo kamid ah shabeellaha hoose.
Gudoomiyaha deegaanada sabiib,caanoole moordiinle iyo raqayle Maxamed Abuukar Axmed oo ka warbixiyay xaaladda saameynta fatahaada uu ku yeeshay deegaankaas wuxuuna sheegay in shacabka halkaas ku nool ay gurmad deg deg ah u baahan yihiin.
Gudoomiyaha ayaa ka codsaday Maamul goboleedka koofur galbeed Soomaaliya iyo dowladda Federaalka Soomaaliya inay u soo gurmadaan dadka ku dhibaateysan deegaanada Sabiid iyo Caanoole oo hoose yimada Maagaalada Janaale ee gobolka shabeelada hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here