Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay Beledweyne

Webiga Shabeele ayaa ku fatahay xaafado ka tirsan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan saacadihii la soo dhaafay sida ay wararku sheegayaan.
Meelaha uu Wabiga ku fatahay ayaa waxaa kamid ah laanta Dhagax jibis oo ka mid ah laamaha Xaafada Xaawo-Taako, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in tiradii ugu badnayd ee qoysaski Daganaa ay saaka isaga barakaceen, iyaga oo ka cabsi qaba in uu saameeyo fatahaada.
Qoysaaska ka barakacay guryahoda ayaa Warbahinta u sheegay in biyaha ugu badan oo ay ka barakacayaan ay tahay biyo ka yimid dhanka iyo kiliga dhagax jibis waxana kiliga u ka mid yahay goobaha aanan lagu sameeyn biyo xireenka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here