Wabiga shabeelle oo fatahaado ka sameeyay Beledweyne

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle ee mara Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan uu saacadihii la soo dhaafay fatahaad ka sameeyay xaafado ka tirsan Magaalada oo qaarkood ay dadkii ka barakaceen.
Wabiga oo aad u buux dhaafiyay,kadib roob ka da’ay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu Biyo dhigay xaafado ka tirsan magalada,iyadoo ay jireen dadaalo fatahaada looga hortagayo oo ay wadeen Guddiga gurmadka iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.
Xaafadaha u sida weyn Wabiga ugu fatahay ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa kamid ah Xarunta lamagalaay oo ay deganyihiin Dhamaan Hay,adaha Maamulka,xaafadaha Kooshin, Kutiinbo iyo Raadeerka.
Dadkii ugu badnaa ayaa lagu soo waramayaa inay Magaalada ka barakaceen,iyagoo aaday dhinaca deegaanka Ceeljaale ee duleedka Magaalada Beledweyne,maadaama ay ka cabsi qabaan inay waxyeelo ka soo gaadho fatahaada uu sameynayo Wabiga shabeelle.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabelele Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Beledweyne ee ayaa kulan dhinaca Internet-ka ah la qaatay Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid ahaayeen wax ka qabashada cudurka Covid-19, qorsheynta nidaam doorasho oo ah ‘hal qof iyo hal cod,’ arima amniga, sidii loo dhisi lahaa isku duubnaan siyaasadeed iyo waliba xorriyadda Saxaafadda.
War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay inay fududeyeen Kulankaan dhex-marey Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xubnaha Beesha Caalamka.
Madaxweyne Waare ayaa haatan ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan isagoo halkaasi u tegay Arrimo la xiriira fatahaada Wabiga Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here