Wabiga Shabeelle oo fatahaado ka Sameeyay deegaano hor leh

Wabiga Shabeelle ayaa lagu soo waramayaa inuu saacadihii la soo dhaafay fatahaado horleh ka sameeyey tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,kuwaasoo qaarkood dadkii deganaa ay isaga barakacaan.
Tuulooyinka uu Wabiga ka fatahay oo dhamaantood hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hir-Shabeelle kuna yaalla Jiinka Wabiga ayaa waxaa ka mid ah, Muriyaale, Lamawaab, Buulo Bishaar, Gaafaay, Timire, Magadley, Raqayle, Dayma Same, Raqayloow Buurdheere, Xaanshooley, Geedo Barkaan, Buur Fuule iyo Jowhar Soomaali.
Deegaannadaan uu fatahaada ka sameeyay Wabiga Shabeelle ee hoostaga Magaalada Jowhar ayaa waxaa badi isaga barakacay dadkii danyarta ahaa ee deganaa,iyagoo ka cabsi qaba inay waxyeelo kasoo gaarto biyaha faraha badan ee wabiga banaanka uga soo baxaya.
Mas’uuliyiinta ugu sareeysa Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dhawaan waxay booqdeen tuulooyinka qaar ee uu Wabiga ka fatahay ,iyagoo ku baaqay in dadka iyo Madaxda Sare ee Hir-Shabeelle looga baahan yahay inay ka hortagaan fatahaada Wabiga intaysan saamayntuusu shacabka waxyeelayn.
Tuulooyin kale oo hoostaga Magaalada Jowhar ayaa laga cabsi qabaa inuu Wabigu ku fataho,waxaana xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay wafdi injineero ah u dirtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo ay ka taagan tahay cabsi la xiriirta fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle ee magaaladaas mar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here