Wabiga shabeelle oo Go’doomoyay Tuulooyin Jowhar Hoos taga.

Wabiga Shabeelle ayaa lagu Soo waramayaa inuu saacadihii la soo dhaafay fatahaado ka sameeyay degaano hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamul goboleedka Hir-Shabeelle, kaasoo saameeyay bulshada Beeralayeda ah ee ku nool tuulooyinkaas.
Deegaannada uu wabiga ku fatahay ayaa waxaa ka mid ah Tuulada Bayaxaw, iyadoo inta badan dadkii ku noolaa tuuladaasi ay ka baraceen,sidoo kale Wabiga wuxuu saameeyay dalagyo dhowr ah oo ku yaallay Beeraha tuuladaas.
Guddoomiyaha tuulada Bayaxaaw ayaa sheegay in fatahaada Wabiga Shabeelle iyo roobabka isbiirsaday ay sababtay in tuulada ay ka go’do degaannada kale ee u dhow,sidoo kalena Biyaha Wabiga ay soo galeen inta badan xaafadaha Tuulada Bayaxaaw.
Waxaa uu Tilmaamay in dadkii horay uga barakacay Tuulada Bayaxaw ee duleedka Magaalada Jowhar ay dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah ku heystaan degaanada ay u barakaceen,dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle ayuu ka codsaday inay gurmad la gaaraan dadka halkaas ku Tabaalaysan.
Horay degmooyin iyo degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayuu Wabiga Shabeelle fatahaad ka sameeyey,waxaana degaannada qaar ka barakacay dadkii deganaa,kuwaasoo tegay tuulooyin iyo degmooyin ka badbaaday fatahaada deegaanadaas ka jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here