Wabiga shabeelle oo ku fatahay Magaalada Afgooye

Wabiga Shabeelle ayaa lagu soo warmayaa inuu markale fatahaado horleh ka geystay Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana ka dhashay khasaaro Kale duwan
Xaafadaha uu Wabiga ka fatahay degmada Afgooye & tuulooyinka hoostaga ayaa waxaa kamid ah, xaafadaha Baalguri, Raqayle, siigaale, Damaleey iyo tuulooyinka Shukurow, Dhajaleey, Balbaleey iyo tuulooyin kale oo dhowr ah.
Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Nuur Gaabow ayaa sheegay in sidoo kale wabiga uu ka fatahay tuulooyinka, Mareereey, Mooradiile,Baladul-Amiin iyo Sabiid & Caanoole.
Guddoomiye kuxigeenka degmada Afgooye waxaa uu sheegay in fatahaada Wabiga uu laba Carruur ah ku dilay Xaafada Baalguri ayna barakaceen dad farabadan oo ku noolaa Xaafadaha degmada Afgooye.
Wabiga Shabeelle ayaa sanad kasta waxaa uu fatahaad qasaaro gaysta ka sameeyaa meelo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah oo ay Afgooye kamid tahay,waxaana ilaa iyo hadda jirin sida ay wararku sheegayaan wax gurmad ah oo loo sameeyay dadka halkaas ku nool.
Wali wararka gobolka shabeellada Hoose ayaa ku guda jirnaaye Tiro hoobiyeyaal ah ayaa lagu soo waramayaa inay xalay ku dhaceen Xaafado ka tirsan degaanka Janaale oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Marka ee Xarunta gobolka shabeellada Hoose.
Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose sheegay in Al-Shabaab ay hoobiyeyaal kusoo tuureen degaanka Janaale, ayna dad Shacab ah oo ku waxyeeloobay ay u gurmadeen.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax wuxuu sheegay in ilaa Saddex Ruux oo Shacab ah ay ku dhaawacmeen hoobiyeyaasha, ayna Maamulka deegaanka iyo Ciidamada xooga u gurmadeen laguna daweynayo Isbitaalka deegaankaasi ku yaala.
Majirin faah faahin intaasi ka dheer ee uu bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, hayeeshee mararka qaar ayaa madaafiic ay isweeydaarsadaan Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab waxay waxyeelo kasoo gaartaa dadka Shacabka ah ee ku nool degaanka Janaale iyo tuulooyinka ku dhow dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here