Wacyigelin ka dhan ah Kansarka oo laga sameynayo 8 ismaamul

Ururka ay ku mideysanyihiin xaasaska guddoomiyaasha dowlad deegaanada dalka ee (CFLA) ayaa sheegay inuu 8 ka mid ah ismaamulada dalka ka sameyn doono wacyigelin ka dhan ah xanuunka kansarka.
Ururkan ayaa guda galaya barnaamijyo tijaabo ah oo lagu eegayo heerka xanuunkan uu gaarsiisanyahay.
Warbixinada kala duwan ayaa muujinaya in ilaa boqolkiiba 7 kiisaska dhimasho ee sannad kasta gudaha wadanka laga soo tabiyo lala xariiriyo cudurkan.
Dowlad deegaanada wacyigelintan hor dhaca ah laga fulin doono ayaa kala ah Kisumu, Nakuru, Kakamega, Bungoma, Laikipia, Meru, Taita Taveta iyo Makueni.
Guddoomiyaha ururka CFLA ahna xaaska barasaabka ismaamulka Makueni , Nazi Kivuthia ayaa qorshaha ay wadaan warbaahinta u xaqiijisay.
Mrs. Kivuthia ayaa hoosta ka xarriiqday inay go’aansadeen in dowladda iyo hay’adaha kale ay garab ku siiyaan sidii xal loogu heli lahaa xanuunkan caqabadda ku ah dalka oo dhawaan galaaftay noolosha saddex qof oo magac lahaa.
Kansarka ayaa galaaftay noolosha madaxii fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Bob Collymore, xildhibaankii Kibera Ken Okoth iyo barasaabkii ismaamulka Bomet Dr. Joyce Laboso.
Waxay intaasi ku dartay in barnaamijyada ay fulinayaan looga gol leeyahay in kiisaska xanuunkan xilli hore la ogaado, in laga hor tagi karo haddii ay soo baxaana la daaweyn karo.
Dhanka kale dowladda dhexe ayaa loo soo jeediyay inay ku dadaasho in la ogaado sababaha dhabta ah ee keena cudurkan ka hor inta aynan ku dhawaaqin inuu yahay musiibo qaran.
Madaxa golaha qaran ee ururada bulshada dalka ,Tom Aosa ayaa sheegay in Kenyaanka oo aan lagu quudin cunno nafaqeysan ay qeyb ka tahay waxyaabaha loo aaneyn karo dhibaatadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here