Wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo Maalinkii Afaraad Galay

Wada-hadalladii u dhexeeyey ergooyinka ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaay weli ka socdaan dalka Jamhuuriyada Jabuuti,iyadoo Maanta uu galay maalintii Afaraad loogana hadlayo arrimo dhowr ah oo suura galin kara inay dhinacyadu isku soo dhawaadaan.
Wada-hadallada ayaa waxay u socdaan guddiyo farsamo oo ka kooban dhowr iyo toban xubnood oo labada dhinac ay soo kala Xuleen, waxaana goobjoog ka ah madaxda sare ee labada dhinac iyo dowladda Martida loo yahay ee Jabuuti.
Wararka la helayo wada hadalada ayaa waxay sheegayaan in qodobada ay ka hadleen ay kamid yihiin,sidii loo fulin lahaa heshiisyadii horay ay u gaareen Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland iyo in aan la siyaasadeyn deeqaha Calaamka uu ugu talo galay Soomaaliya.
Shalay ayaa wuxuu qorshuhu ahaa in kulamada socda War-Saxaafadeed laga soo saaro,hayeeshee dib uu u dhacay,waxaana wararka ay sheegayaan in Maanta Warmurtiyeed ay Guddiyada soo saari doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here