Wada xaajoodka Dayn Cafiska Soomaaliya oo Maalinkii Labaad Galay.

Wasiirka wasaarada Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Adis-Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya kula kulmaya kooxda wada hadalka deyn cafinta u qaabilsan hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) waxayna labada dhinac ka wada xaajoonayaan Wajiga afaraad ee Barnaamijka deynta cafinta Soomaaliy (SMP4),
kulankaan ayaa si Gaar ah Diirada loogu Saarayaa waxyaabihii ay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ka qabatay sadaxdii bil ee la soo dhaafay shuruudaha ku xeran wada hadalka deynta cafinta wajigiisa afaraad oo la doonay in la isla eego siday Soomaaliya u buuxishay sharuudaha ku hor gudban in Balaayiinta Daynta ah laga Cafiyo.
Wada-hadalka waxaa kale oo ka qeyb galaya wasiirka wasaarada Qorsheynta Maashgashiga iyo Hormarinta dhaqaalaha iyo sidoo kale Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.
Inta uu socdo Kulankaan Wasiir Beyle iyo wafdigiisu waxay kulama gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hey’adaha dhaqaalaha aduunka iyo qaar ka mid ah wadamada deymaha kuleh Soomaaliya waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii dalka Soomaaliya looga cafin lahaa lacagaha deymaha ah ee lagu leeyahay…
Wasiirka Maaliyada wasaarada Maaliyada Soomaaliya C/rxmaan Ducaale Beyle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan hay’ada Lacagta Aduunke ee IMF iyo guud ahaan in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka deyn cafinta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here