Wadada Xiiirisa Muqdisho iyo Jowhar oo laga Cabsi qabo inay go’do

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ay soo korotay cabsi laga qabo in fatahaadda wabiga Shabeelle ay sababto Go’doominta isku socodka wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.
Arrintaa ayaa loo sababaneynayaan biyaha wabiga Shabeelle oo si xowli ah usocda iyo roobabka maalmahaan ka da’ayay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Bulshada ku nool deegaanada iyo degmooyinka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa hadal haya sida xaalku noqon karo hadii fatahaaddu ay soo gaarto wadada hal bowlaha u ah isku socodka Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle iyo Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya oo hore dhibaatooyin kaloo dhanka Amniga ah ay kaga jireen ayna weeraro ka geystaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Fatahaadda Wabiga Shabeelle ayaa hore u gooyay isku socodka maalooyinka Mahadaay iyo Jowhar oo hada dadka deegaanadaasi ay ku adagtahay inay isaga kala gooshaan Labadaas Magaalo.
Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ,kan Degmada Jowhar,madaxda Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxay ka digayeen fatahaad uu wabiga Shabeelle ka geysto wadada isku xirta Jowhar iyo muqdisho maadaama uu hada uu kawado deegaanno ka ag dhaw Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here