Wadahadalada militariga ku meel gaarka Suudaan iyo dibadbaxayaasha oo billaabanaya

Wararka naga soo gaaray dalka Suudaan ayaa sheegay inay aroornimadii hore ee saaka dib u bilowdeen wadahadalada u dhexeya golaha militariga ee ku meel gaarka iyo dibadbaxayaasha doonaya in talada loo gacan galiyo maamul shacabka matalaya.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii goluhu uu ugu yaraan 72 saacadood hakad geliyay wada hadaladii kala dhexeyay dadka dibadbaxyada samaynaya.
Tallaabada lagu hakiyay kulamada ayaa timid kaddib markii ugu yaraan 14 qof ayay dhaawacyo ka soo gaareen raasas ay fureen ciidamada ammaanka iyagoo doonaya inay bartamaha caasimadda wadankaasi ee Khartoum ka kala ceyriyaan dibadbaxayaal isugu soo baxay.
Wadahadalada maanta dib u furmay ayaa diiradda lagu saaraya in la soo gabagabeeyo heshiis ku aaddan soo dhisidda guddi cusub oo talada kala wareegaya golaha ku meel gaarka ah ee militariga Suudaan ee hoggaanka ka tuuray madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir.
Qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa labada dhinac ku cadaadinaya inay heshiisyo wax ku ool ah gaaraan si xal loogu helo ismariwaaga taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here