Wadahadallada Ganacsi ee Kenya iyo Mareykanka oo dhawaan bilaawan doona

Madaxweynaha dalka Mr Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in wadahadalada ganacsiga ee aadka loo wada sugayo ee udhaxeeya Kenya iyo Mareykanka uu bilaaban doono 7th bisha july ee sannadkan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxda wada hadalada uu u hor kacayo ergayga gaarka ee Kenya u fadiyo Maraykanka ay diyaar u yihiin inay bilaabaan wadahadalka ganacsiga ku saleysan.
Waxaa uu sheegay in wadahadalada ay horseedi doona in la saxeexo heshiis ganacsi oo bilaash ah ee u dhexeeya Kenya iyo Mareykanka iyadoona qorshaha uu yahay iskashiga ganacsi ee u dhexeeya laba dal uu bilowdo isla maalinta aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA) uu dhaqan gelayo.
Madaxweynaha ayaa yiri: “Waxaan isku raacnay waa in wada xaajoodyada oo dhami ay dhaqangalaan sida ugu dhaqsiyaha badan marka aag ganacsiga xorta ah ee Afrika uu dhaqan galo, ee todobaadka ugu horeeya bisha July.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli fiidnimadi xalay kulan dhanka online-ka la qaatay intii lagu gudajiray shir madaxeed ku saabsan ganacsiga Mareykanka iyo Afrika oo ay yeesheen Golaha Iskaashiga Afrika ee loo soo gaabiyo (CCA).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here