Wadahadalo nabadeed oo wali ka socda deegaanka Banisa ee ismamaulka Mandera

Deegaanka Banisa ee ismaamulka Mandera waxaa maalintii labaad ka socota wada hadalo nabadeed oo halkaasi lagu qabanaya kaddib dagaal beeleedyo ay maalmo ka hor ku dhinteen ugu yaraan 13 qof.
Waxaa kulamada ka qeyb galaya waxgarad, siyaasiyiin, hay’ado iyo saraakiisha sar sare ee ammaanka.
Kaddib markii dagaalladu ay dhaceen horraantii bishan ayaa waxaa la qabtay kulan degdeg ah oo xaaladda lagu dejinayay.
Waxaa shirkaasi xigay mid kale oo dhacay 5-tii bishan Tobnaad oo qodobo dhowr ah laga soo saaray , iyadoo shalay markale halkaasi la isugu tagay si xal waara loogu helo colaadda soo noqnoqotay.
Maanta ayaa la filaya in go’aan ama xal kama dambeys ah laga soo saaro wada hadalkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here