Wadamada Canada iyo Netherlands oo ku biiraya dacwad ka dhan ah Myanmar

Dowladaha dalalka Canada iyo Netherlands ayaa sheegay inay si rasmi ah ugu biirayaan dacwad la xiriirta xasuuq la gaystay saddex sano ka hor oo loo haysto Myanmar.
Waxaa dacwaddan horay maxkamadda caalamiga ee cadaaladda u gudbisay Gambia.
Saddexdan waddan ayaa doonaya in dowladda Myanmar lagula xisaabtamo xasuuq ay kula kacday bulshada muslimiinta ah eel aga tirada badan yahay ee Rohingya.
25-kii bishii sideedaad ee 2017-kii ayay ahayd markii ugu yaraan 740,000 oo qowmiyaddan ka mid ah ay ka barakaceen gobolka Rakhine waxayna u carareen wadanka Bangladesh oo ay qaxooti ku yihiin.
Qaramada midoobay ayaa barakicintaas iyo dilal dhacay ku sheegtay isir sifeyn qaabeysan.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Canada Francois-Philippe Champagne iyo dhigiisa Netherlands Stef Blok ayaa sheegay inay dacwadda Myanmar ka dhan ah ka mid noqonayaan si loola xisaabtamo cidii ka dambeysay dhibaatooyinkii dhacay .
Dowladda Myanmar ayaa dhankeeda sheegtay in howlgaladii militari ee ay sameysay looga falcelinayay weeraro ay soo qaadeen kooxo hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here