Wadamada Spain, Ingiriiska iyo Mareykanka oo dad badan ay cudurka Covid-19 ugu dhinteen

Dalalka Spain, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa dhamaantood soo tabiyay tiradii ugu badneeyd ee dhimasho ee cudurka Coronavirus tan iyo markii uu dillaacay.
Mareykanka ayaa xaqiijiyay dhimashada 884 qof 24 saac gudahood iyo 213,000 oo ah kiisaska cudurka uu sababo caabuqa Coronavirus.
Dhimashada guud ee dalkaasi Mareykanka ayaa kor u dhaafeysa 5,100.
Dalka Ingiriiska wuxuu cudurkan nolashoodu galaftay24-kii saac ee lasoo dhaafay 563 wuxuuna rai’isul wasaaraha dalkaasi Boris Johnson ku tilmaamay maalin murugo leh.
Wadanka Spain 950 qof ayaa u dhintay COVID-19 24-kii saac ee la soo dhaafay waxayna tirada guud ee dadka uu nolashoodu galaftay kor u dhaafaysaa 10,000 dalka Spain.
110,238 kiis ayaa laga xaqiijiyay wadankaas .
Guud ahaan caalamka 938,000 oo qof ayuu soo ritay caabuqan halka ay u dhintene ku dhawaad 47,000 oo qof.
Waxaa ka soo kabatay in ka badan 194,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here