Wadamada Yurub oo ballanqaaday inay si kasta oo suurtagal ah kula tacaalayaan Coronavirus

Dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub ee EU-da ayaa ballanqaaday inay sameynayaan wax kasta oo ay awoodaan si loo xakameeyo faafidda caabuqa Coronavirus.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo shalay gudaha wadanka Talyaaniga laga soo tabiyay 168 kiisas dhimasho oo dheeraad ah.
In ka badan 10,000 oo qof oo ku nool Talyaaniga ayaa ilaa iyo hadda lagu arkay cudur sidaha Corona.
27-da wadan ee xubnaha midowga Yurub ayaa dhibaatada taagan ka shiray kaddib markii lagu dhaliilay inaynan dardargelin dadaallada ka dhanka ah firuusigan dunida walaaca ka abuuray.
Madaxa guddiga midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa shir jaraaid ka sheegtay inay guda galayaan sidii dhaqaalaha Yurub aynan saameyn uga soo gaari lahayn caabuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here