Wadayaasha baabuurta xamuulka ee dadka qaadaya oo loo digay

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa digniin u diray qaar ka mid ah wadayaasha baabuurta xamuulka qaada oo uu sheegay inay khiyaano sameeynayaan.
Waxaa uu xusay in darawaliinta ay ka faaiidaysanayaan fursadda la siiyay ee ah inay deegaannada kala duwan cunnooyinka geeyaan hasa ahaate ay si qarsoodi u safrinayaan dad rakaab ah.
Mr. Kagwe ayaa xusya in tani ay tahay mas’uuliyad darro dib u dhac ku keenaysa dadaalka lagu xakameynayo faafitaanka caabuqa Coronavirus.
Sido kale wadayaasha mootooyinka ayaa mar kale la xusuusiyay inay hal rakaab oo keliya qaadaan sido kalena iyaga iyo qofka raacaya labaduba ay maaskaro xirtaan.
Dhanka kale xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka Citizen ayaa sheegay in hadii xaaladda jirta ay sii xumaato ay suurtagal tahay in la kordhiyo amarka 21-ka maalmood ee lagu mamnuucay in loo safro ama laga safro afar ka mid ah ismaamullada wadanka.
Dr. Kibicho ayaa carrabka ku adkeeyay in qaar ka mid ah shacabka aynan ilaalin amarrada Dowladda sidaas awgeedna hadii ay dantu keento xayiraad buuxda oo dhanka dhaqdhaqaaqa ah lagu soo rogi karo xaafado ka tirsan Nairobi oo laga soo tabiyay kiisaska cudurka Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here