Wadayaasha baabuurta xamuulka oo laga baaraya Covid-19

Dowladda dhexe ayaa amar ku bixisay in si wadar ah baaritaano la xiriira cudurka covid-19 loogu sameeyo wadayaasha baabuurta qaada xamuulka ee u kala goosho dalka iyo wadamada dariska la ah.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo ilaa iyo hadda gudaha wadanka laga xaqiijiyay 355 kiis kaddib markii galinkii dambe ee shalay la shaaciyay 12 dheeraad ah.
12-ka kiis ee cusub ayaa isugu jiro 8 laga xaqiijiyay gudaha caasimadda dalka ee Nairobi iyo 4 laga diiwaangeliyay ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta.
Gudaha Nairobi 2 kiis waxaa laga xaqiijiyay xaafadda isku raranta ee Kibera ,Karen (1), Dandora (1), Eastleigh (1), Kasarani (1), South B (1) iyo Umoja (1).
4-ta kiis ee Mombasa waxaa laga diiwaangeliyay Mvita-Kuze (1), Mishomoroni (1), Mvita-Bondeni (1) iyo Barsheba (1).
Dhammaan dadkan waa Kenyaan, saddex ka mid ah ayaana ka soo laabtay safar ay ku tageen soomaaliya waxayna da’dooda u dhaxaysaa 14 ilaa 60 sano.
Xoghayaha labaad ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Rashid Aman ayaa sheegay in go’aanka lagu baarayo darawaliinta la qaatay kaddib markii qaar ka mid ah uu cudurka haleelay.
Baaritaannada ayaa laga fulinayaa xuduudda Kenya looga gudbo wadamada dariska la ah sida Uganda iyo Tanzania.
Wararka ayaa intaa ku daraya in toddobaadkii hore 5 darawaliin ah oo u dhashay dalka kuwaasoo ku sugnaa wadanka Uganda laga helay cudurka covid-19 .
Sido kale guddiga gurmadka qaran ee Covid-19 ayaa amar ku bixiyay in ismaamullada ay kordhiyaan tababarrada ay siiyaan howlwadeenada caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here