Wadayaasha gaadiidka dadweynaha oo cabasho Muujiyay.

Wararka aan ka helayno Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saakay qeybo ka mid ah Magalada ay banaanbaxyo ka dhigeen qaar ka mid ah wadayaasha Gaadiidka dadweynaha,kuwaasoo ka cabanaya lacago dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay islamarkaana aysan awoodin.
Gaadiidleyda Cabashada Muujinaya ayaa warbaahinta gudaha Soomaaliya u sheegay inay ka dhex-Shaqeeyaan Isgoyska Sanca ilaa degmada Xamarweyne,waxaana qaarkood ay Tilmaameen in lagu amray inay bixiyaan lacag dhan 100 kun oo Shillinka Soomaaliga.
Qaar kamid ah wadayaasha Gaadiidka dadweynaha ee PL-ka ayaa warbaahinta u sheegay in lacag sharci-darro ah lagu amray inay bixiyaan,hayeeshee taasi ay ka door bideen inay Shaqooyinkooda joojiyeen.
Madaxda ugu sareysa Dowladda federaalka Soomaaliya ayay ka codsadeen inay arrintaasi soo farageliyaan,isla markaana ay wax ka qabtaan lacag faraha badan oo sheegeen inaysan ogeyn sababta ay u dhiibayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here