Wadayaasha mootooyinka oo digniin loo diray

Afhayeenka Dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ugu digay wadayaasha mootooyinka ee qaadaya rakaab ka badan hal qof.
Mr. Oguna ayaa xusay in xilligan aan la joogin waqtigii la fududeysan lahaa amarrada lagu dhawaaqay.
Afhayeenka ayaa hoosta ka xarriiqay in hadii qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinka ay sii wadaan amar diido uu sheegay inay ku kaceen , tallaabo adag laga qaadaya.
Oguna ayaa bartiisa rasmiga ee twitarka soo geliyay muuqaal laga dhex arkay
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasaaradda gaadiidka ay sheegtay in rakaab ka badan hal qof uunan raaci karin dhugdhugley.
Amarkan ayaa ka mid ah dadaallada ay Dowladda dhexe iyo ismaamullada ugu jiraan xakameynta caafitaanka caabuqa Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here