Wadooyinka Muqdisho oo dib loo furayo

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa shaaciyay qorshooyin uu wado Maamulka gobolka, kaas oo lagu furayo wadooyinka xiran oo ay dhibaatooyin kala duwan ku qabaan Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in wadooyinka xiran ay sababeen in badeecadaha qaarkood ay halaabaan, hayeeshee ay keentay duruufo amni oo loo xiray wadooyinka, isaga oo sheegay in wadooyinka dib loo furi doono.
Guddoomiyaha Banaadir waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Mudada sanadka ka badan ee uu xilka haayo uu Madaxda sare ee dalka ku cadaadinayay in wadooyinka la furo ,isla markaana uu rajeynayo in todobaad gudihiis lagu furo.
Hadalka Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xalay qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho dhagxaantii ku xirneyd laga qaaday, balse wadooyin kale lagu sii xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here