Wadooyinka Muqdisho oo Dib u Dayac Tir lagu Samaynayo.

MagaaladGuddoomiye kuxigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa shir guddooomiyey kulan lagu soo bandhigayay daraasad la xiriirta dayactirka Wadooyinka & biyo mareenada Magaalada Muqdisho.
Xili uu Warbaahinta la hadlayay ayuu bogaadiyay Daraasadaan qaabka loo diyaariyay iyo sida loo soo bandhigay, sidoo kale wuxuu sheegay inay si wadajir ah isagashanayaan World Bank iyo Maamulka Gobolka Banadir.
Masuulkaan ayaa Tilmaamay in la dardar gelinayo daraasadan si ay uga mid noqdaan dadaalada ka socda Caasimadda Muqdisho gaar ahaan kuwa ku saabsan dib u dayactirka wadooyinka waa weyn ee Caasimadda iyo biyo mareenadeeda.
Wadooyionka ugu muhiimsan ee Magaalada muqdisho qaarkood ayaa ku burburay roob saacadihii la soo dhaafay ka da’ay Magaalada, iyadoo biyo mareenada qaar ay sidoo kale burbureen.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyay howlgalo Maalmihii la soo dhaafay ay Ciidamada dowladu ka wadeen Muqdisho iyo qaabka loo sugayo amaanka Caasimada.
Gudoomiye Cumar Filish ayaa sheega in saraakiisga ciidamada Xoogga uu waajib ka saaran yahay sugida amaanka si shacabka Soomaaliyeed Nabad ugu Noolaadaan dhamaan gobolad dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here