Wadooyinka Xiran ee Magaalada Muqdisho oo sare u kac ku keenay qaymaha q Qudaar.

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Shacbiga Soomaaliya sidoo kalena ka mid ah gudiga Baarlamaanka ee Beeraha,Xoolaha,Kaluumaysiga iyo hormarinta iyo hormarinta Reer Miyiga ayaa sheegay in dadka Beeraleyda ah marka uu dalagoodu u soo go’o ayna Soo safriyaan ay dhibaatooyin badan la kulmaan oo ku saabsan inay lacago kala duwan ku bixiyaan dhowr Barakoontaroolo oo ay Soomaraan.
Marka ay Soogalaan Magaalada Muqdishana aysan gali Karin Suuqyada Waa weyn si ay Khudaarta u Geeyeen maadaama ay qaar badan oo wadooyinka Caasimada ka mid ah ay Xiran yihiin.
Dhamaan arimahaas ayuu Xildhibaan Sakariye Xaaji sheegay inay caqabada ku tahay bulshada beeralayda ah iyo isku goosha Magaalada Muqdisho ama deegaanada Duleedka ka ah taasoo sabab u noqotay Sare u kaca Qaymaha Qudaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here