Wafdi dowlada Dhexe ka socda oo beled-Xaawo gaaray.

Wararka ka imaanaya degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inay halkaas Maanta Gaareen Wafdi ka socda dowlada Fedraalka Soomaaliya oo isugu jira wasiiro iyo Xubno kale.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Fedraalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed, Wasiir ku xugeynka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdullaahi Shiiq Cali Qaloocow Iyo wafdi ay Hogaaminayaan ayaa safar dhulka ah lagu soo waramayaa inay Maanta ku tagay magaalada Balad Xaawo ee gobalka gado.
Wafdiga ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyay maamulka dagmada Balad Xaawo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaaladaasi ku nool.
sida ay warbahinta gudaha Soomaaliya sheegtay Wafdiga ayaa u kuur galaya xaaladda guud ee qeybo kamid ah Gobolka Gado ee dhanka Waxbarashadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here