SAWIRO:Guddoonka cusub ee baarlamaanka Hir-Shabeelle oo xilka la wareegay

Munaasabad kooban oo lagu qabtay magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa xilalka kula wareegay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle & labadiisa kuxigeen.
Munaasabadda oo ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibaannada Hir-Shabeelle iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre uu xilka ku wareejiyay Guddoomiyaha Cusub Luqmaan Xaaji Muxumad, halka Guddoomiye kuxigeennada 1aad iyo labaadna ay xilka la wareegeen.
Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Luqmaan Xaaji Muxumad ayaa uga mahad celiyay Guddoomiyihii hore Sh Cusmaan Barre Maxamed waxyaabihii uu qabtay intii uu xilka haayay, uuna door-weyn ku leeyahay dhismaha Hir-Shabeelle.
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre ayaa Guddoomiyaha Cusub ugu hambaleeyay xilka loo dooryay, isagoo ugu baqay inuu dardar geliyo Shaqooyinka horyaalla, isla markaana uu la Shaqeyn doono.

Dhanka kale Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa Maanta gaaray wafdi ay hoggaamineyso Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Hr-Shabelle, Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle Mahad Xasan Cusmaan,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan & xubno kale.
Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo degaan doorashadeedu tahay Magaalada Jowhar ayaa la filayaa inay la kulanto Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle, sidoo kalena ay goobjoog ka noqoto doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dhaceysa Maalinta Arbacada ee todobaadkaan.
Sidoo kale Magaalada Jowhar ayaa waxaa la filayaa inay maalmaha soo socda tagaan wafdiyo kala duwan oo ka socda Dowladda Federaalka & Maamul goboleedyada, si ay goobjoog uga noqdaan doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle ee halkaas ka dhacaysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here