Wafdi Jabuuti ka socda oo Hargaysa Gaaray

Wafti uu hogaaminayo wasiirka Beeraha ,Xoolaha Iyo Kaluumaysiga ee Jamhuuriyada Jabuuti Maxamed Axmed Cawaale ayaa Maanta waxay ka dageen garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa .
Wafdigaan ayaa waxaa soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Somaliland oo ay ka mid ahaayeen, wasiirka wasaaradda Horumarinta beeraha Soomaaliland Axmed Muumin Seed iyo wasiirka wasaaradda Horumarinta Khayraadka biyaha Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye.
Waxaa sidoo kale wafdiga gaaray Magaalada Hargaysa ka mid ahaa Wasiiro ku xigeeno ka tirsan dowladda Jabuuti.
Maalmaha soo socda ayaa lagu waddaa inay wafdigaan ku sii sugnaadaan Magaalada Hargeysa oo kulamo ay la yeeshaan mas’uuliyiinta sar sare ee Somaliland,Wallow Somaliland aysan wali wax faahfaahin ka bixin u jeedada Wafdiga ka socda Jabuuti ee Maanta gaaray Magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here