Wafdi ka socda dowlada Qatar oo gaaray Kismaanyo.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa Barqanimadii Maanta gaaray wafdi ka socda dowladda Qatar oo uu hoggaaminayo Safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamza.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaa Magaalada Kismayao kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kamid ah golaha wasiiradda Maamulkaas, iyadoo loo sii gelbiyay dhanka Gudaha Magaalada Kismaayo.
Safiirka Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad iyo Xubnaha la socda ayaa la filayaa inay xariga ka jaraan mashaariic horumarineed oo ay dawladda Qatar deegaanada Maamulka Jubbaland ka hirgelisay.
Sidoo kale wafdiga ayaa waxaa la filayaa inay kulan la qaataan Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam,waxaana Maanta aad loo adkeeyay amniga Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here