Wafdi ka socda Maamulka Puntland oo lagu wado inay Dhuusamareeb tagaan.

Sida ay wararku sheegayaa Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ay gaaraan Wafdiga ugu horeeya ee ka socda Maamulka Puntland oo horudhac u noqonaya safarka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku tagayo Magaalada Dhuusamareeb.
Xubnaha wafdiga tegaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa horkacaya Guddiga farsamada ee ka baaraan-degida Arrimaha doorashooyinka ku matala Puntland & Xubno kale, oo shirka Magaalada Dhuusamareeb ka qeyb-galaya.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la xaqiijiyay inuu Magaalada Dhuusamareeb tagi doono bilowga todobaadka soo socda, kadib cadaadis uga yimid Ergayga gaarka ah ee QM iyo safiirka Mareyka ee Soomaaliya.
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmajao, Madaxweynayaasha, Galmudug, Koonfur Galbeed,Hir-Shabeelle & guodoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ,waxaana horay u diiday tegitaanka Shirkaas labada Madaxweyne ee Maamulada Jubbaland & Puntland, hayeeshee cadaadis uga yimid Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay dhawaan halkaas tagayaan.
Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ayaa ka qeyb galka Shirka Magaalada Dhuusamareeb waxaay ku xireen qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay inuusan Xiligaan dalka Soomaaliya lahayn Xukuumad dhaqan-gelisa waxyaabaha lagu heshiiyo, taasoo dib u dhigtay waqtiga shirka uu furmi lahaa oo ku aadaneyd 15-kii Bishaan Agoosto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here