Wafdi kale oo Maanta dhuusamareeb ku wajahan

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa inay Maanta tagaan wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).
Xubnaha Wafdiga ayaa waxaay Dhuusamareeb kaga qeyb-galayaan shirka u dhaxeeya Madaxda Sare ee Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada Xubnaha ka ah,kaasoo looga hadlayo arrimaah doorashooyinka dalka Soomaaliy,Jahaynta Siyaasada wadanka Xiligaan oo Doorasho ku Soo wajahan tahay iyo sidoo Kale Kala aragti duwaanta dhanka siyaasada ah ee ka dhex jirta Qaar ka mid ah Madaxda Soomaalida.
Shalay waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug gaaray wafdi horudhac u ah safarka Guddoomiye Cumar Filish,waxaana hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cantoobo.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kusii qul qulaya wufuud kala duwan oo ka kala imaanaya gobolada dalka Soomaaliya,waxaana aad loo adkeeyay Amniga Guud ee Magaaladaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa dowladda dhexe iyo kuwo ay sigaar ah u wataan Madaxda Dowladda & hogaamiyeyaasha Maamulada Soomaaliya ee shirka Qayb Galaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here