Wafdi uu hoggaaminayo xoghayaha arrimaha dibadda ee Kenya oo gaaray Muqdisho

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa sheegtay in wafdi uu hor kacayo xoghayaha wasaaradda Ambasadoor Macharia Kamau lagu soo dhaweeyay caasimadda wadanka Soomaaliya ee Muqdisho.
Waxaa qaabilay dhiggiisa Soomaaliya Ambasadoor Maxamad Cali- Nuur Xaaji.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeya wadamadooda gaar ahaan dhanka ganacsiga .
Ambasadoor Kamau ayaa xusay in Kenya iyo Soomaaliya ay wadagaan xiriir laba geesood oo dhanka ganacsiga ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maadaama ay Soomaaliya ay ku tallaabsanayso horumarro dhinaca ganacsiga iyo dhaqaalaha ah in loo baahan yahay iskaashi ballaaran oo xal loogu helaya amni darrada iyo caqabadaha kale ee taariikhiga ah .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here