Wafuud kala duwan oo ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxaa kusii qul qulaya wufuud kala duwan oo halkaasi kaga qeyb-geli doona Shirka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya & kuwa Maamul Goboleedyada dalka kajira.
Shalay waxaa Dhuusamareeb gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Maamulada Koonfur Galbeed & Hir-Shabeelle,waxana jira wufuud kale oo maanta halkaas tegaya si ay qayb uga noqdaan Wajiga Sadexaad ee shirka dhuusamareeb.
Xubnaha ka maqan Dhuusamareeb ee laga sugayo inay Maanta Gaaraan ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku maqan dalka Jabuuti kaasoo la filayo inuu Maanta kasoo laabto iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Kismaay ee xarunta gobolka jubada hoose.
Shirka Magaalada Dhuusamareeb oo ah wajiga Saddexaad ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin Amniga, Dhaqaalaha Amaanka iyo qodobo kale,waxaana ugu muhiimsan in arrimaha doorashooyinka oo qorsuhu yahay in Shirka laga soosaaro nooc doorasho oo la isku raacsan yahay taasoo xiligaan ka dhici karta wadanka Soomaaliya.
Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud ayaa aad loo adkeeyay,waxaana halkaasi ku sugan ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka kala socda dalalka Jabuuti iyo Itooiya.
15 bishii oo shalay ku beegnayd ayuu qorshuhu ahaa inuu furmo shirka Hogaamiyeyaaasha Soomaalida oo lagu Jahaynayo doorashada wadanka balse shirka ayaa dib u dhacay.
Wuxuuna Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmajao oo shalay Barlamaanka Qodbad ka Jeediyay sheegay in waxkasta oo heshiis ama is afgarad ah oo ay shirkaas ku soo gaaraan gadaal ugu Soo celin doonaan Baarlamaanka ayna Qasab tahay in guud ahaan umada Soomaaliyeed Aqbasho go’aamada Baarlamaanka maadaama ay yihiin hay’ada qaabilsan xeer dajinta iyo matalaada shacabka Soomaaliyeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here