Wafuud ku wajahan Magaalada dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka galgaduud ee Bartahama Soomaaliya ayaa Maanta la filayaa inay gaaraan Odayaasha saxiixayaasha Galmudug oo qorsuhu ahaa in Sabtidii todobaadkaan la xareeyo,balse dib u dhac uu ku yimid.
Odayaasha oo ka kala imaanaya deegaanno badan oo ka tirsan maamulka Galmudug iyo Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in la xareeyo Todobaadkaan gudihiisa,waxayna ka qeyb qaadanaya xulista Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug.
Odayaasha saxiixayaasha ah ee laga sugayo Dhuusamareeb ayaa qaarkood waxaay halkaasi ku tegi doonaan Safaro dhulka ah sida Odayaasha ka tegaya dhinaca Gobolka Mudug.
Shalay ayaay wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ku dhawaaqday in muddo todobaad ah la hakiyey howlihii doorashada Galmudug si wada-hadal loola furo hoggaanka Ahlusunna uu saluugsan sida ay dowladda u wajaheyso dhismaha maamulka Galmudug.
Sidoo kale wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaay sheegayaan in Maanta halkaasi ay ku wajahan yihiin wafdi Wasiiro ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya,kuwaasoo ka qeyb qaadanaya xalinta tabashada hoggaanka Ahlusunna ee arimaha doorashada.
Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo Ciidamada kala duwan ee Dowladda ay siweyn u sugayaan amaanka magaaldaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here