Waiguru oo ka hadashay xilka qaadisteeda

Barasaabka dhawaan xilka laga qaaday ee ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa sheegtay in niyad sami aynan ka muuqan wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaankaas.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii 23 ka mid ah 33-da wakiil ay si aqlabiyad leh xilka guddoomiyanimo uga xayuubiyeen Waiguru.
Waxay ku eedeyeen maamul xumo , musuqmaasuq iyo inay dastuurka ku xadgudubtay.
Eedeymaha ay wajahayso waxaa hadda eegaya guddi uu u saaray aqalka senate-ka ee dalka.
Ms Waiguru oo uu wakiil ka yahay qareen lagu magacaabo Paul Nyamodi ayaa guddiga ka kooban 11-ka xubnood ee aqalka sare u sheegtay in wakiillada laga doonayo inay caddeymo wax ku ool ah soo bandhigaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here