Wajeer oo wacyigelin ku aaddan Coronavirus laga sameynaya

Shacabka ku nool ismaamulka Wajeer ayaa loo sameynayaa wacyigelin ku saabsan caabuqa Coronavirus ee loo yaqaano Covid019.
Arrintan ayaa lagu heshiiyay kaddib markii kulan labaad ay yeesheen xubnaha guddiga loo xilsaaray inuu ka fal celiyo xaaladaha degdegga ah.
Shirkaas oo ay si wadajir ah u guddoominayeen barasaab ku xigeenka Wajeer Axmad Cali Mukhtar iyo guddoomiyaha Dowladda dhexe halkaas u qaabilsan ayaa waxaa ka qeyb galay xoghayaha ismaamulka , guddiga ammaanka ee dowlad deegaanka, guddoomiyaha SUPKEM, mas’uuliyiinta waaxda caafimaadka iyo saraakiil kale.
Gaadiidleyda Wajeer ayaa lagu booriyay inayn ku dadaalaan sidii rakaabka ay u kala fogaan lahaayeen.
Dowladda ismaamulka Wajeer iyo midda dhexe ayaa iska kaashanaya in shacabka wax looga sheego ka hor tagga cudurka iyadoo la adeegsanaya baabuurta lagu rakibaya cod baahiyayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here