Wakiil hore oo dalbanaya inuu xafiiska baneeyo barasaabka Isiolo

Wakiil horay uga tirsanaa golaha hoose ee ismaamulka Isiolo ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad uu ku doonayo in xilka guddoomiyaha dowlad deegaankaas laga qaado Dr. Maxamad Kuti.
Moses Kithinji oo matali jiray deegaanka hoose ee Bulapesa ayaa kiisaskan geeyay maxkamadda sare ee dalka laanteeda Meru.
Waxaa uu ku doodaya in barasaabka Isiolo uu musuqmaasuqa sameeyay , awodiisa ku takriifalay sido kalena ku xadgudbay shuruuc dastuuri ah.
Mr. Kithinji ayaa ku andacoonaya in guddoomiyaha Isiolo uu ku fashilmay gudashada waajibaadkiisa shaqo oo uunan wax ka qaban lunsashada lacagaha dadweynaha.
Waxaa u doodaya qareennada kala ah Simon Mburu iyo Kiogora Mugambi oo cuskanaya in Dr.Maxamad Kuti uu iska indha tiray sharciga ku saabsan maareynta lacagaha dadweynaha.
Sido kale waxay ku eedeynayaan nin jecleysi dhanka shaqaaleysiinta ah.
Eedeymaha loo haysto guddoomiyaha Isiolo waxaa ka mid ah inuu dhawaan magacaabay 12 saraakiil sar sare ah oo ay saaxiibo iyo ehel yihiin.
Barasaabka Isiolo ayaa dhankiisa gudbiyay dacwad uu kaga soo horjeedo in maxkamadda sare ee Meru ay dhageysato kiisaska isaga ka dhanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here